U bood dhigaalka

COVID-19: Bangiga Adduunka oo Ballanqaad u Sameeyey Wadamada Soo Korayo

Sheeko:Amniga

Bangiga Adduunka ayaa go’aan ku gaaray in 12 bilyan oo dollar la siiyo dowladaha soo koraya si ay u helaan tallaalka cudurka Corona Virus.

Guddoonka Bangiga adduunka ayaa sheegay in qorshahaan looga dan leeyahay in waddamada dhaqaalahoodu hooseeyo ay si dhaqso ah u helaan tallaalka Covid19.

12-kaan bilyan ayaa loo isticmaali doona iibinta  iyo qaybinta tallaalka cudurka corona, waxaana loogu tala galay inay ka faa’iideystaan dad gaaraya hal bilyan oo qof.

Illaa iyo hadda majiro tallaal leysku raacsanyahay in loo isticmalo cudurka Covid-19 kaas oo ay aqoonsantahay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, waxaase tallaallo kala duwan soo saaray dalal badan.

Goobjoog News