U bood dhigaalka

C/qaadir Siidii “Dowladda Ma Hoostago Ee Koonfur Galbeed Ayaan Amarka Ka Qaadanayaa” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii
Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii

Gudoomiyaha Gobalka Shabeelah Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in maamulkiisa xilligaan uu toos u hoostago maamulka Koonfur Galbeed, amarkana halkaasi uu ka qaadanayo.

Gudoomiyaha oo u waramayay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in wasaaradda arimaha gudaha ay amar buuxa ku bixisay in maamulkiisa uu halkaasi ka amar qaato, islamarkaana uu soo dhaweynayo madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

“Shariif Xasan Sheekh Aadan waa madaxweynahayga, isaga ayaan hoostagnaa, sharciyan dowladda dhexe ma hoostagno, Dowladda ayaa amarkaasi isiisay, gaar ahaan wasaaradda arimaha gudaha” ayuu yiri Gudoomiyaha gobalka Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale Siidii ayaa soo hadal qaaday maamulo kale oo gobalkaasi sheegta in ay maamulaan sida Shabelle State, waxaana uu sheegay in maamul aan ahayn Koonfur Galbeed aanu halkaasi ka jirin.

Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah gobalada hoostaga maamulka Koonfur Galbeed, waxaana halkaasi ku taala xarunta maamulka oo ah degmada Baraawe.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News