U bood dhigaalka

C/raxmaan Faroole “Waxaan Ahay Musharrax u Taagan Doorashada Xilka Madaxweynaha Ee 2016”

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo saxaafadda kula hadlay magaalda Garoowe ayaa sheegay inuu yahay musharrax u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo sanadkaan 2016.

Faroole ayaa ugu horeen ka hadlay heshiiskii xalay ka dhacay magaalada Garoowe, kadib markii Puntland ay aqbashay nidaamka 4.5.

Waxa uu sheegay Faroole in ka shaqsi ahaan uu aad uga xunyahay in Puntland ay qaadato nidaamkaasi, balse isagu aanu qabin aragtidaasi, walibana uu aad u diidanaa.

“Waxaan rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed u sheego inaan aad uga xumahay in xalay Garoowe lagu saxiixo nidaamkii umadda kala qeybiyay ee 4.5. aniga aragtidaa ma qabo waana diidanahay” ayuu yiri Faroole.

Dr Faroole ayaa sheegay in wadatashi uu sameeyay kadib inuu yahay musharrax u taagan madaxweynaha Soomaaliya sanadkaan 2016-ka.

“Waxaan umadda Soomaaliyeed oo dhan u sheegayaa in aan ahay musharrax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkaan 2016-ka, aniga oo og in waxbadan aan ka qaban karo xaaladda dalka, hadii aan ku guuleysto umadda Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa inaan si daacad ah ugu shaqeyn doono, nidaamka Federaalka hirgelin doono, raggeeda u xulan doono, kana shaqeyn doono nabadda Soomaaliya sidii aan tan Puntlandba uga shaqeeya” ayuu hadalkiisa raaciyay Faroole.

Ugu Dambeyn Cabdiraxmaan Faroole ayaa dowladda Federaalka waxa uu ku eedeeyay in aanay waxba ka qaban xaaladda dalka, isaga oo tilmaamay in madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo in mar kale uu dib usoo laabto isaga oo kalsooni ka haysta maamul gobaleedyada qaarkood waa sida uu hadalka u dhigaye.

Hadalkaan Faroole ayaa imaanaya xilli maamulka Puntland uu aqbalay qaadashada nidaam beeleedka 4.5.

Goobjoog News