U bood dhigaalka

C/raxmaan Jaamac Barre Oo Ku Geeriyoodey Maraykanka

Sheeko:Dalka

Waxaa magaalada San Diego gobolka California ee dalka Maraykanka xalay ku geeriyoodey Allaha u naxariistee  wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya C/raxmaan Jaamac Barre.

Marxuumka ayaa la xaqiijiyey in maalmihii ugu dambeysay uu halkaasi ku xanuunsanayey, isaga oo ugu dambeyn geeriyoodey.

C/raxmaan Jaamac ayaa ku geeriyoodey da’da 79 sano jir, wuxuuna soo qabtay xilal kala duwan oo dowladdii Kacaanka ah, isaga oo soo nqoday Ra’iisul wasaare ku xigeen, wasiirka Maaliyadda iyo kan arrimaha dibadda.

Alaha u naxariitee C/raxmaan Jaamac Barre ayaa ifka kaga tagay 15 carruur ah kuwaasi oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

Goobjoog News