U bood dhigaalka

Crisis Group: 40,000 oo Tigrey Ah Ayaa Qaxay, Dil Waa Socdaa, Abiy-na Wada Hadal Ma Ogola

Sheeko:Amniga

Sida ay qortay hey’adda Crisis Group, dhibaato banii’aadnimo oo aad u xun ayaa ka jirta Mekelle, caasimadda gobolka Tigreyga.

Dhibaatada ayaa ka dhalatay isku dhaca labo ciidan oo muddo is horfadhiya, midka dowladda Itoobiya iyo midka ciidamada difaaca oo ku dagaalaya magaalo ay ku noolyihiin 500,00, kumanaan ayaa ku dhimatay dagaalkan sida la sheegay, oo ay ku jiraan rayid iyo ciidamada ammaanka.

Warbixintan oo ka digeysa dhiig kale oo dada waxaa ay ugu baaqeysaa hey’adaha midowga Afrika, Mareykanka, Yurub iyo golaha ammaanka in ay kooxaha u sheegayaan iney dagaalka joojiyaan, una sheegayaa in dagaalka uu dhib ku yahay noloshada dadka, isla markaana uu keenayo sumcad darro dowli ah.

Rayidka Tigreyga ayaa waxaa ay soo gaartay dhibaato adag, in ka badan 40,000 ayaa qaxay, inta badan dadkaasi waxay ka qaxeen Xumeyra iyo Dansha iyaga oo aaday dhanka bariga Suudaan.

Sida warbixintan ku qoran,  600,000 oo Tigey ah ayaa haatan ku tiirsan gargaar ay helaan,  mana helin cuntadii ay xisad ahaan u lahaayeen, waxaa kale oo la sheegayaa in quutul daruuriga, korontada ah ay ka sii dhammaanayaa Mekelle.

Hey’ada u dooda xuquuqul insaanka oo Itoobiyaan ah ayaa sheegtay in tigeyga maleeshiyo ka tirsan ay dileen dad u dhashay Amxarada, dhankooda Amxaarada ayaa waxyeeleyey qaxooti Amxaaro ah.

Dagaalka waxaa uu lugta ku hayaa Adis Ababa oo sheegeysa in Tigreyga ay doonayaan gooni u goosad iyo amar diido iyaga oo dhankooda weeraray saldhig ciidan 4 November.

Sida warbixinta  ku qoray Crisis Group, maamulka Abiy Axmed waxaa uu diiday wax walba oo wada hadal ah oo uu la galo dhanka Tigeyga, taasi oo keeni karta in dhibaatada ka sii darto.

Dhanka kale, maamulka Abiy Axmed waxaa uu wufuud u kala diray bariga Afrika si uu taageero ugu helo dagaalka ka dhanka ah Tigreyga, Soomaaliya ayaa ka mid kuwa taageeray dagaallada ka dhanka Tigeyga.

Goobjoog News