U bood dhigaalka

Crisis Group: Waa in La Helaa dhexdhexaadin saddexaad oo Looga Gudbo Caqabadaha Doorashada

Sheeko:Amniga

Warbixin ay kooxda xasaradaha kasoo saaree xaaladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dhibaatada siyaasadeed ee muddada dheer ka jirtay Soomaaliya ay gashay waji cusub, oo qatar ah kadib markii kulan ay isugu yimaadeen golaha shacabka  12kii Abriil ay si aqlabiyad leh ku taageeray hindise sharciyeed dib u dhigaya doorashooyinka labo sano, taas oo ka dhigan in loo kordhiyo waqtiga xafiiska Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo”.

Warbixinta ayaa lagu xusay in tallaabadan ay tahay mid cabsi leh oo sii kordheysa khilaafka, keeni kartana rabshado kadib markii mucaaradka go’aansadeen iney dhisaam dowlad bar-bar socota midda federaalka ah, waxayna ayna soo jeediyeen in lagu noqdo  miiska wadahadalka.

Qoraalka ay ayaa lagu sheegay in saaxiibbada dibedda ee Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika (AU) oo ay taageerayaan Mareykanka, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub, ay u istaagaan abaabulidda – iyo hoggaaminta – wada-hadallo cusub oo dhexmara dhammaan daneeyayaasha si loo dejiyo khariidad ku aaddan doorashooyinka waqtigooda ku dhaca., iyada oo intaas lagu daray in dhammaan jilayaasha dibadda ina diyaar u noqdaan  in cunaqabateyn lagu soo rogo dhinacyada hor istaagaya hindisaha cusub ee lagu doonayo waddo la isku raacsan yahay oo horay loogu socdo.

 Crisis Group waxaa ay warbixinta kusoo jeedisay in loo baahanyahay  dhexdhexaadin saddexaad oo salka ku haya oo lagu jabinayo caqabadda doorashada, iyada oo la tixgelinayo kalsooni darrada ka dhex jirta jilayaasha Soomaaliya.

Arrimaha ay Crisis Group  ka hadleen waxaa ka mid ah in lasoo dhaafay markii Soomaalida dhexdeeda xal laga raadin jirin, oo la isku dhaafi jiray, sheegashadaasi hadda ma sii jirto. Taa baddalkeeda, dhibaatada sii kordheysa waxay halis ku tahay inay dib u dhigto dhammaan horumaradii laga sameeyay aasaasidda degganaansho siyaasadeed ee Soomaaliya labaatankii sano ee la soo dhaafay. Intaas waxaa sii dheer, ismari waaga siyaasadeed iyo isqabqabsiga ka dhex jira ciidamada amniga ayaa fursad u furay maleeshiyada Al-Shabaab. Dhiirrigelinta ka bixitaanka qayb ka mid ah bixitaankii ciidamada Itoobiya iyo Mareykanka dhammaadka sannadka 2020, xagjiriintu waxay durbaba kordhiyeen weerarada waxayna dib u bilaabeen weeraradii baaxadda weynaa ee lagu bartilmaameedsanayay milatariga Soomaaliya iyo shisheeyaha oo xoogagga dibaddu uga hor istaageen inay abaabulaan dhowr sano.

Goobjoog News