U bood dhigaalka

Cudurka Kaadi Dhiiga ama Bilharzia

Sheeko:Caafimaadka

Cudurkan waxa uu kamid yahay cudurada waqti dheer sameyntiisa ay sii jirto sidoo kale waxa uu mararka qaar noqdaa mid si dag dag h sameyntiisu ay noqoto, waxaa sababa goryaan k dhex nool bini adana iyo xayawaanka oo looyaqaano ‘’biliharzia’’ .

Waxaa cudurkan loo tixgaliyaa in uu yahay mid looga taag waayey wadamada dhaca kuleelaha waxa uuna kajiraa 70 dal oo kuyaala meelaha tropical iyo subtropical.

Qiyaasaad ay sameysay hey’ada caafimaadka aduunka ee WHO ayey ku cadeysay in kabadan 200 million oo kunool dunida uu cudurkan saameeyey, Tirada cuduraka schistosomiasis laga daaweyey  sanadii 2012 waxa ay ahayd 42.1 million.

Marka la eego Somali in kabadan kalabar shacabkeeda waxa ay kunool yihiin labada wabi ee jubba iyo shabeele goobahaasna waxaa loo tixgaliyaa in cudurkan uu ku baahsanyahay.

Caruurta jirta da’da iskuulka ayuu inta badan schistosomiasis saameeyaa sababtana waxa ay tahay caruurta oo aanan ku baraarugsaneen sameynta ay leeyihiin biyaha wasaqeysan iyagoo caba ama ku dabaasha biyahaasi wasaqeysan.

Siyaabaha uu ku faafo:

Faafitaanka cudurkan waxaa masuulka ah seddax shey oo kala ah

  1. Biyaha ku wasaqooba saxaro ama kaadi ay k jiraan ukumaha schistosomiasis.
  2. In ay jirto snail oo ah halk uu gooryanka ku noolaado.
  3. Iyo in lahelo qof ama xayawaan biyaahaasi adeegsado.

Waxaa kale oo jira sababa iyana keena in cudurka uu faafo waxaana kamid ah:

  • Bulaacadaha qaada wasaqda.
  • Wasaqda ka timada dadka oo kudarsanta meelaha biyaha laga cabo.
  • Biyihi oo lagu saxaroodo ama lagu kaadiyo
  • Meelaha biyaha laga cabo oo lgu dhaqo dharka.
  • Xayawaanka oo lugahooda kusoo qaado oo keena ilihi biyaha laga cabaayey.

Sida uu dadka ugu soo gudbo:

Schistosomiasis waxa uu gala maqaarka qofka isaga oo ugu soo gudbaya siyaabo ay kamid yihiin:

  • In qofku uu cabo ama ku dabaasho biya ku wasaqaysan ukumaha Schistosomiasis.
  • In qofka uu ku qubaysto ama uu wax ku dhaqdo biyo wasaqaysan.
  • alaabaha wax lagu cuno oo si fiican loo nadiifin.

 Calaamadaha lagu garto cudurka:

  • Beerka iyo beeryaraha oo weynaada.
  • Qufac waxba aysan ka imaaneyn qofka.
  • Cukayska ofka oo daciifa.
  • Shuban oo lasocda dhiig
  • Matag
  • Kaadida oo dhiig soo raaca.
  • Daal fara bafdan.
  • Wax laqida oo adkaata.

Baaritaanka cudurkan:

Cudurkan waxaa lagu ogaankaraa in la isticmaalo microscopic wxaana qofka laga qaadayaa kaadi ama saxaro si looga baaro ukumaha gooryaanka cudurkan keena.

Siyaabaha lagaga hortagayo schistosomiasis:

In loo adeegsado dawo si loo yareeyo dhimashada iyo qatarta cudurka, dawooyinkaasna waxa kamid ah:

  • praziquantel (dawada ugu haboon)

In wacyi galin loo sameeyo bulshada lana baro cudurka waxa uu yahay, sida uu ku faafi karo, qatarta uu u geysan karo si loo yareeyo saameyntiis.

In la adeegsado waxyaaba lagu dilayo gooryan ka si ukumihiisa aysan uwasaqayn biyaha lacabayo.

Nadaafada oo lagu dadaalaa waxa ay qayb katahay kahortag cudurkan.