U bood dhigaalka

Cudurka Shuban Biyoodka Oo Ka Dilaacay Degmada Wanlaweyn, Sh/hoose

Sheeko:Caafimaadka

Cudurka Shuban biyoodka ayaa lagu soo waramayaa inuu haatan ka dilaacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose, wuxuuna soo ritay dad aad u badan.

Maxamed C/laahi Cumar oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda ee maamulka degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, wuxuu tilmaamay in cudurkaan ay u dhinteen 7 qof.

Waxa uu tilmaamay sidoo kale in fatahaadda Wabiga Shabelle oo kusoo dhowaaday degmadaasi uu cudurkaan ka dhashay.

Cumar ayaa sidoo kale sheegay in degmada ay ka jiraan dad badan oo uu soo ritay cudurka duumada, islamarkaana aanay jirin dawo ku filan oo dadkan ay haystaan.

Maamulka K/galbeed ayuu sheegay iney gaarsiiyeen xaaladda ka jirta degmadaan, islamarkaana aanay jirin cid ay jawaab ka hayaan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News