U bood dhigaalka

Cudurka Shuban Biyoodka Oo Ka Dillaacay Deegaanno Ka Tirsan Galmudug

Sheeko:Caafimaadka

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay jiraan deegaanno ka tirsan gobalka Mudug oo ka dilaacay cudurka shuban biyoodka.

Wasiirka caafimaadka Galmudug Nimco Maxamed Maxamuud oo warbaahinta kula hadashay magaalada Cadaado ayaa faah faahin ka bixisay xaaladaha caafimaad ee deegaanadaasi, iyada oo hoosta ka xariiqday deegaanno ka tirsan Galmdug oo uu ka jiro cudurka shuban biyoodka.

Waxay sheegtay in dadka hadda u badan ee uu soo ritay cudurkaasi ay u badanyihiin caruur iyo Haween, iyada oo ku baaqday in dadkaasi wax laga qabto xaaladooda.

Deegaanada haatan uu ka jiro cudurka Shuban biyoodka ayeey sheegtay inay u direen dhaqaatiir caafimaad iyo gaadiidka gurmadka degdega ah.

Wasiir Nimco ayaa sheegtay in Haweeney ay ku dhimatay deegaanka Bandiiradley ka dib markii uu haleelay cudurka shuban biyoodka, meelaha sidoo kale cudurkaan uu ka jiro ayaa ka mid ah degmada Caabudwaaq, deegaanno hoostaga degmada Cadaado iyo magaalada Gaalkacyo.

“Hadii aanu nahay dowladda Galmudug waxaa naga go’an wixii aan qaban karno inaan u qabanno shacabkeena, dhaqaatiir iyo gaadiidka gurmadka ah ayaan dirnay, dhammaan deegaanadaan waa lagu baxay, waxaan ugu baaqayaa hay’adaha bini’aadannimada inay si degdeg ah noogu soo gurmadaan” ayeey tiri Nimco Maxamed.

Ugu dambeyn Wasiirka Caafimaadka Galmudug Nimco Maxamed Maxamuud ayaa ugu baaqday shacabka ku dhaqan deegaannada Galmudug in ay ka shaqeeyaan nafdaafadda oo haatan ay sheegtay in cudrkaan uu ka dhashay nadaafad darro.

Goobjoog News