U bood dhigaalka

Cudurka Shuban Biyoodka Oo Ka Dillaacay Degmada Qansax Dheere Ee Gobalka Baay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Qansaxdheere ee gobalka Baay iyo deegaanno hoostaga degmadaasi ayaa waxay sheegayaan in uu ka dilaacay cudurka Shuban Biyoodka oo ay dad u geeriyoodeen.

Seddax qof ayaa la xaqiijiyay in cudurkaasi ay ugu geeriyoodeen deegaanno ku dhaw degmada Qansaxdheere iyadoo dad kalena ay la il daran yihiin cudurkaasi.

Gudoomiyaha Qansax dheere Aadan Cabdi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dad badan oo laga keenay tuulooyin hoostaga degmadaasi haatan lagu daweynayo Qansax dheere.

“Seddax qof ayaa u dhimatay cudurka Shuban biyoodka, dad kale oo la il daran waxaa la keenay degmada Qansax dheere oo haatan lagu daweynayo, lamana hayo dawo dadka ku filan” ayuu yiri gudoomiyaha.

Gudoomiye Aadan Cabdi ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka, maamulka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale hay’adaha dhanka caafimaadka ah in gurmad dawo ah la gaaraan dadka la xanuunsanaya cudurka shuban biyoodka.

Goobjoog News