U bood dhigaalka

Cudurka Shuban Biyoodka Oo Ka Dillaacay Degmada Saakow Ee Gobolka Jubada Dhexe

Sheeko:Caafimaadka

Cudurka Shuban biyoodka ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dillaacay degmada Saakow ee gobalka Jubbada Dhexe iyadoo ay jiraan dad u dhintay cudurkaasi.

Dad weli tiradoodu aan la shaacin ayaa lagu soo waramayaa in cudurkaasi u dhintaan sidoo kalena ay jiraan dad kale oo la il daran.

Ma jirto xarun caafimaad oo kaafin karta dadka ku nool Saakow si dadkaan loo daweeyo.

Guddoomiyaha degmada Saakow ee ugu magacaaban dowladda federalka Maxamed Xaaji Xuseen  ayaa u sheegay Goobjoog News in xaalado adag ay ka jiraan degmadaasi, wuxuuna kaloo sheegay in ay codsanayaan kaalmo beni’aadanimo lala  gaaro dadka ku dhaqan degmada Saakow.

“Dadku cudurro ayaa haya, waxaa dadku hadda ay la il daran yihiin badankooda cudurka Shuban biyoodka, mana haystaa dawo iyo isbitaal, waxaan ku baaqeynaa in dadkaasi sidii loogu gurman karo loogu gurmado” ayuu yiri guddoomiyaha.

Cudurkan ayaa sidoo kale lagu arkay deegaanno ka mid ah gobolka Jubada Dhexe sida degmada Jilib.

Degmada  Saakow waxay ku taalaa Dhanka Koonfureed ee dalka Soomaaliya waxayna ku taal dhanka bari ee Webiga Jubba, waxaana wararka ay sheegayaan in biyo wasaqeysan ay sabab u yihiin in cudurkani uu dillaaco.

Goobjoog News