U bood dhigaalka

Cudurka Shuban Biyoodka Oo Ka Dillaacay Tuullada Moyko Ee Shabellaha Dhexe

Sheeko:Caafimaadka

Tuulada Moyko oo ka tirsan gobalka Shabellaha Dhexe ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka, kaasi oo ay la idl daran yihiin dad u badan Caruur.

Gudoomiyaha Tuuladaasi Daa’uud Malaaq oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in cudurkaan maalmo badan uu halkaasi ka jiray, islamarkaana Seddax Caruur ah ay u geeriyootay.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha in ay jiraan dad kale oo la’il daran cudurka, dadka qaarkoodna loo qaaday Isbitaal ku yaalla magaalada Jowhar.

Cudurkaan ayaa la sheegay in sababta keentay ay ugu horeyso dadka oo isticmaalaya biyo wasaqeysan, maadaama Tuulada aysan ka jirin Biyo Nadiif ah.

Gudoomiye Daa’uud ayaa ugu dambeyn ugu baaqay maamulka gobalka Shabellaha Dhexe iyo Hay’adaha samafalka ah in gurmad degdeg ah ay la gaaraan dadka ku xanuunsanaya Tuulada Moyko ee gobalka Shabellaha Dhexe.

Goobjoog News