U bood dhigaalka

Cudurro Ka Dilaacay Degmada Mahadaay Ee Gobalka Shabellaha Dhexe

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Mahadaay ee gobalka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in cudurro ay ka dilaaceen degmadaasi, kuwaasi oo saameeyay dadka halkaasi ku nool.

Gudoomiye ku xigeenka degmadaasi Saalax Aadan oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in cudurada degmada ka dilaacay ay kala yihiin Shuban Biyood, Jadeeco iyo Malaria.

Sababta cuduradani ayuu ku sheegay gudoomiye ku xigeenka fatahaadda wabiga Shabelle iyo sidoo kale biyo badan oo weli dhex yaalla xaafadaha degmadaasi.

“Dad u badan caruur waxaa soo ritay cudurrada kala ah Jadeeco, Malaria iyo Shuban biyood, ma hayno dawo ku filan waayo xaaladii kale ee degmada ayaa weli sideeda ah, waxaana laga baqaa in dad kale ay xanuunsadaan” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.

Ugu dambeyn gudoomiye ku xigeenka degmada Mahadaay Saalax Aadan ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay gurmad caafimaad iyo mid quudin ah lasoo gaarto dadka ku dhaqan degmadaasi.

Goobjoog News