U bood dhigaalka

Culimada Gobalka Bari Oo Billaabay u Gurmashada Dadka Ku Dhaqan Deegaanada Gobalkaasi Ee Dabayluhu Ku Dhufteen

Sheeko:Dalka

Guddiga culimada gobalka Bari ayaa sheegay inay wadaan dadaallo lagu badbaadinayo nolosha qoysaska ku nool meelaha u dhow xeebaha oo ay duufaantu saameysay.

Guddoomiyaha guddigaasi Sheekh Axmed Yuusuf Daad oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in arrintani ay tahay mid si weyn looga dareemay gobalka Bari.

Waxa uu sheegay in meelaha ugu daran ay yihiin magaalooyinka ku teedsan xeebaha ee gobalka Bari, kuwaas oo duufaantu ay ku waxyeelaysay hanti badan.

Maamulka Puntland ayuu sheegay inay kala kaashanayaan sidii dadka ku nool xeebaha gobalka lagaga badbaadin lahaa dhibaatada dhacaysa.

“Shacab badan baa hali sku jira, annaga ka culimo ahaan diyaar baan u nahay in degdeg aan wax ugu qabanno, shacabka ayeeynu dhex galeynaa, shacabka iyaga ayaa isku gurmanaya, dadaal hadii la bixiyo waxaan hubnaa in bulshadu ay is gacan qaban karto” ayuu yiri Sheekh Daad.

Sidoo kale Sheekha ayaa mar aynu wax ka weydiinay Qaxootigii Yemen ka imaanayay ayuu sheegay in maalin walba magaalada Boosaaso ay soo gaaraan, isaga oo tilmaamay inay soo dhaweeyaan ayna dejiyaan meelaha qaxootiga ay ugu tala galeen.

Deegaanada ku yaalla dhanka xeebaha bari ee Puntland waxaa maalmahaan dambe ka jiray dufaanno saameeyay isku socodkii dadka, sidoo kalena sababay khasaare haniyeed.

Goobjoog News