U bood dhigaalka

Culimada Gobalka Mudug Oo Ka Digay Dagaal Sokeeye Oo Gobalkaasi Ka Dhaca

Sheeko:Dalka

Culimada gobalka Mudug ayaa ka digay in dagaal sokeeye uu ka dhaco gobalkaasi, kaasi oo ay sheegeen hadii uu dhaco in dhibaato badan ay cid walba soo gaari karto.

Sheekh Maxamed Samatar oo ka mid ah culimada magaca ku leh gobalka Mudug ayaa sheegay in laga soo gudbay xilligii dagaalka, islamarkaana la joogo waqtiga nabadda.

Waxa uu tilmaamay sheekha in siyaasiyiinta ku sugan gobalka Mudug aan la raacin hadalladooda, lana ogaado in walaalo ay yihiin shacabka gobalka wada degan.

“Nin la haystaa oo la xukumaa waxa uu xukumaya maleh, caqiligii Soomalaiya waxa uu gaaray qabiil oo wax isii aan ku raacee ama hebel aan dilee, waxaan idin leeyahay shacabka Mudug idinka ayaa walaalo ah, qabiil iska daaya, waad wada degan tihiin danahiina ka fiirsada, hadii la dagaallo ogaada caruurtiina iyo guryahiina ayeey saameyneysaa, wado walba wey xirmi doontaan” ayuu yiri Sheekh Maxamed.

Hadalkaan kasoo yeerayo culimada gobalka Mudug ayaa imaanaya xilli muddooyinkii ugu dambeeyay la hadal hayay xiisad ka dhex taagan maamula Puntland iyo Galmudug, taasi oo laga dareemayo gobalka Mudug.

Goobjoog News