U bood dhigaalka

Culimada Gobalka Mudug Oo Kasoo Horjeestay Ammar Uu Bixiyay Madaxweynaha Puntland

Sheeko:Dalka

Sheekh Cabdiweli Xasan Maxamed oo ku hadlayay afka culimada gobalka Mudug ayaa sheegay inay ka soo horjeesteen qorshaha madaxweynaha Puntland ee ku aadan in la burburiyo goobo dowladdii dhexe ay lahayd oo hadda culimada ay deggan tahay isla markaana dadka diinta lagu baro.

Sheekha oo lasoo xiriiray Goobjoog News ayaa sheegay in aysan garan karin waxa hoggaamiyaha Puntland Cabdiweli Gaas ku qasbay inuu amro in goobahaasi la burburiyo.

Wuxuu tilmaamay in madaxweynayaashii isaga ka horreeyay ay ogalaadeen halkaasi oo ay u saxiixeen in culimada ay deegaanaadaan oo shacabka ugu adeegaan.

“Dowladii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf ayaa noo ogolaatay in diinta aan ku fidinno, sidoo kale Faroole iyo Cadde Muuse oo isaga ka dambeeyay kama aysan hadli arrintaan oo waxay qaateen go’aankii madaxweynaha ka horeeyay, balse Cabdiweli Gaas ayaa yimid oo na yiri ka baxa meesha, ardayda kala diri, kutubada aad akhrineysaan joojiya” ayuu yiri Sheekh Cabdiweli.

Sidoo kale Sheekha ayaa sheegay in guud ahaan dadkii deganaa magaalada Gaalkacyo ay ka caroodeen arrintaasi, isaga oo sheegay in shaki weyn ay ka qabaan amarka Cabdiweli Gaas.

“Anaga shaki weyn baa na galay, markii madaxweyne Gaas ka baxa na dhahay halkii dadka cilmiga ku bareenay, sidoo kale waxaan u fahamnay mid aan aqoonsaneen sharciyada madaxweynayaashii isaga ka horeeyay’ ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Cabdiweli.

Dhawaan ayaa maamulka Puntland waxa uu burburin ka bilaabay dhammaan goobaha danta guud ee ay deganaayeen dadka shacabka ah, ka dib amar uu soo saaray madaweynaha maamulkaasi Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Goobjoog News