U bood dhigaalka

Culimada Hargeysa Oo Ugu Baaqay Xisbiyada Somaliland In Ay Dejiyaan Xiisadda Siyaasadeed

Sheeko:Dalka

Culimada ku sugan magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay xiisadaha siyaasadeed ee ka jira Somaliland, iyaga oo ugu baaqay Seddaxda xisbi ee maamulkaasi in ay isku sabraan oo xaaladda ka keenaan halka ay maanta taagan tahay.

Sheekh Maxamed Aadan Siiro oo ka mid ah culimada ugu waaweyn Somaliland ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in aan la eegin danaha shacabka, islamarkaana cid walba ay danaheeda eegato.

Waxa uu tilmaamay in xisbiyadda dhammaantood ay ku wada socdaan hal wado, balse aan loo baahneen in berri xisbi walba waxa uusan qaadaneyn in hadda uu keeno.

Dhinaca kale Sheekh Siiro ayaa ka hadlay xirnaanshiyaha jaamacadda Magaalada Hargeysa oo illaa iyo haatan la ogeyn sababta ay u xiran tahay, waxaana uu sheegay hadii aanay Xisbiyada xal keenin, dhammaantood shacabka uu ka wada tashan doono.

Is qabqabsi dhanka siyaasadda ah ayaa aad looga dareemayaa deegaanada maamulka Somaliland, waxaana haatan aad isku haysta xisbiyada iyo maamulka iminka taliya.

Goobjoog News