U bood dhigaalka

Culimada Soomaaliyeed Oo Hambalyo u Diray Idaacadda Goobjoog

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray Idaacadda Goobjoog oo maanta u dabaal dagaysa Sanad guuradeeda Seddaxaad.

Sheekh Maxamuud Aw Cabdulle Cariif oo u waramay Goobjoog ayaa ku amaanay Idaacadda sida ay bulshada ugu shaqeysay mudada ay jirtay, waxaana uu ku bogaadiyay shaqaalaha Goobjoog News in ay dardar geliyaan shaqadooda.

Sheekha ayaa sheegay in Goobjoog waxyaabo badan ku xusuusanaayo sida barnaamijka Gurmad iyo Gargaar oo loogu gurmanayo Soomaalida ku dhibban dalka Yemen.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa isna ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee Hambalyada usoo diray Idaacadda Goobjoog, waxaana uu sheegay in mudadii ay jirtay Goobjoog ay qabatay shaqo u dan ah shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana aad u ballaaran.

Maanta waxa ay ku beegan tahay 14-ka July, Goobjoog News ayaa u dabaal degaysa Seddax Sano guuradii kasoo wareegtay Markii Idaacadda Dhidibada loo taagay.

Goobjoog News

Mar Walba u Daacad Ah Dadweynaha