U bood dhigaalka

Culimo Iyo Waxgarad Ku Baaqay Joojinta Dagaallo Ka Socda Sool

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah culimada iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Sool ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beel maalmahan dambe kasoo cusboonaaday deegaanka Dhakeyn oo ku dhaw degmada Laascaanood.

Waxay si wadajir ah ugu baaqeen beelaha walaalaha ah ee dagaallamaya in nabadda ay qaataan, islamarkaana wax walbo miiska wada hadalka ku dhameeyaan.

Sheekh Aadan Weli oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in maanta aan la joogin waqtigii la daadin lahaa dhiig qof muslim ah waliba Soomaaliyeed, loona baahan yahay in loo turo shacabka aan waxbo galabsan.

“Dadka colaadda ka widow Dharkeny waxaan idiin leenahay joojiya, Ramadan baa la joogaa, caruuraha aad leynaysaan, dumarka aad raggooda dileysaan joojiya” ayuu yiri Sheekha.

Dagaalka ka dhacay gobolka Sool waxa uu gallaaftay nolosha dad ka badan 30 iyadoo ku dhawaad 50 kale ay ku dhaawacmeen.

Goobjoog News