U bood dhigaalka

Culumada Magaalada Gaalkacyo Oo Ku Baaqday Joojinta Dagaallada

Sheeko:Dalka

Iyadoo weli magaalada Gaalkacyo ay ka taagan tahay dhankeeda galbeed colaad u dhaxeysa ciidamo kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa isa soo taraya baaqyada nabadeed ee loo dirayo dhinacyada dagaallamaya.

Sheekh Maxamuud Awsheyba oo kamid ah hay’adda culumada Soomaaliyeed ayaa baaq u jeediyay dhinacyada ku dagaallamaya galbeedka magaalada Gaalkacyo isagoo uga digey daadinta dhiigga oo uu ku sheegay in diinta Islaamka marka loo eego ay xaaraam tahay.

Wuxuu labada maamul ee deriska ah Galmudug iyo Puntland uu ugu baaqayo inay joojiyaan xabadda oo ay ka wada shaqeeyaan nabadgalyada.

“Walaalaha ku dagaallamaya magaalada Gaalkacyo waxaan u soo jeedinaynaa inay iska dhaafaan, dagaalka muslimiinta dhexdooda ah waa xaaraam. Waxaan leenahay dagaalkaas hala joojiyo waa in madaxda ay heshiiyaan maxaa yeelay ciidamada adinka ayaa u taliya” ayuu yiri Sheekh Maxamuud Sheyba.

Dhanka kale, Sheekha ayaa ku baaqay in loo gargaaro dadka shacabka ah ee ku tacdareysan degaanno duleedka kaga beegan magaalada Gaalkacyo kuwaasoo ka barakacay gudaha Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka oo maalmihii dambe ay ka taagnaayeen xiisado dagaal oo u dhaxeeya ciidamada kala taabacsan Galmudug iyo Puntland ayaa la soo sheegayaa in  xaaladdu ay tahay mid aan cago badan ku taagnayn.

Waxgaradka labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo waa Galmudug iyo Puntland ayaa wada dadaallo nabadeed oo lagu doonayo in lagu joojiyo dagaalka.

Goobjoog News