U bood dhigaalka

Culumo Mareykan ah oo Soo Saaray Qalab Lagula Soconayo Dhaqdhaqaaqa Bakteeriyada ee Gudaha Jirka

Sheeko:Caafimaadka

Culumo Mareykan ah ayaa xaqiijiyaya iney sameeyay qalab awood u leh inuu sheego dhaqdhaqaaqa bakteeriyada ee gudaha jirka aadanaha.

Daahroggan cusub ayaa ah horumar hor leh oo laga gaaray dhanka qalbka caafimaadka, mid ka mid ah culumadii mashruucan wadday oo  la yiraahdo Donald Serpola ayaa yiri; “Daahroggan ayaa ah sameynta makarafoon aad u yar oo awood u leh inuu soo qabto cododka waxyaabaha ilmaqatida ah ee gudaha jirka, makarafoonkana ayaa sidoo kale sheegaya bareysharka dhaqaaqa, hadda waxaan dhihi karnaa aaladdan waxay u gaar tahay ilaalada falgallada iyo isbedellada aan caadiga ahayn ee ka dhex jira gudaha jirka”, ayuu yiri caalimkani.

Mar ay sharraxaad dheerada ka bixinayeen khubaradu sida uu qalabkani u shaqeeynayo ayaa waxay tilmaameen in makarafoonkani uu la mid yahay silig nanoscale ah oo aad u yar, waxaa laga sameeyaa saddex waaxood oo xabag ah iyo walxaha daasadda nanofiber iyo labo nooc oo naanopartcles birta dahabka ah.

Makaroofkan ayaa kaybalka uu wato waxa lagu sii dhex daynayaa jirka aadanaha, iyadoo macluumaadka uu soo qaado u soo diraya computer-ka uu ku xariirsan yahay.

Khubaradu waxay tilmaamayaan in fiberkan dareemaha la socdo uu awood u leeyahay inuu ka falceliyo cododka kumaan jeer aadka uga yar kan uu aadanuhu maqli karo, sidaa si lamid ah waxa uu ka sahlan yahay uuna ka dareen fiican yahay 10 laab atomic microscopes-ka.

Si kastaba, makarafoonkan ayaa wax weyn ka taraya daaweynta cudurrada ay sababto bakteeriyda iyadoo lala socon karo dhaqdhaqaayadeeda iyo saameynta ay dawadu ku yeelato jirka, waana horumar weyn oo la tiigsaday.

Goobjoog News