U bood dhigaalka

Cumar Cabdirashii “Waxaan si xushmad leh kaga codsanayaa xildhibaanada Sharafta Leh In Ay Codka Kalsoonid Ah I Siiyaan”

Sheeko:Dalka

Cumar CabdirishiidRa’iisul wasaaraha magacaaban Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka codsaday xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya in ay siiyaan codka kalsoonida ah si uu usoo dhiso xukuumad dalka wax badan ka qabata.

Waxa uu sheegay Cumar Cabdirashiid in hadii uu helo codka kalsoonida ah uu soo dhisayo xukuumadda waqtiga haray dalka wax ka qabata, kana go’an tahay in la gaaro hiigsiga 2016.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha magacaaban ayaa sheegay in waqtiga adag ee xilligaan looga gudbi karo in xiriir joogta ah ay wada sameeyaan xildhibaanada Baarlamaanka, madaxweynaha iyo xukuumada imaan doonto.

“Waxaan si xushmad leh kaga codsanayaa xildhibaanada Sharafta Leh In Ay Codka Kalsoonid Ah I Siiyaan, waxaan ka gaareynaa hiigsiga 2016, waxaan dhameytiri donnaa howl walba oo nalooga baahan yahay”

Goordhaw waxaa bilaaban doona codeynta codka kalsooni u qaadista Ra’iisul wasaaraha magacaaban Cumar Cabdi Rashiid.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.