U bood dhigaalka

Cumar Cabdirashiid oo Ku Biiraya Gaas iyo Madoobe oo Garoowe Ku Sugan

Sheeko:Dalka

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa lagu wadaa in uu maanta u ambo boxo magaalada Garoowe ee Puntland, halkaasi oo ay ku kulansanyihiin madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas.

Labada Mas’uul ayaa maalmahan ka wada hadlayay xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya iyo arrimaha hiigsiga 2016-ka oo ay doonayaan in ay isku aragti iyo go’aan ka qaataan.

Lama oga tagitaanka ra’isulwasaaraha waxa ay daarantahay, hase yeeshee waxay wararka qaar sheegayaan in uu isku dayayo in uu Puntland iyo Jubbaland oo xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka uusan fiicneyn uu ku qanciyo wadashaqeyn dowladda federaalka ay la yeeshaan.

Bishan 27-deeda ayaa lagu wadaa in shir ay isugu yimaadaan madaxda maamul goboleedyada iyo madaxweynaha federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana aad loo filayaa in madashani ay go’aan kama dambeys ah ka qaadan hiigsiga 2016-ka.

Tagitaanka Ra’isulwaasaraha ee Garoowe ayaa imanaya xili shalay baarlamaanka Puntland go’aamiyeen qodobo dhawr ah oo ay ku diideen nuqulka dastuurka ee ay dowladda federaalka isticmaasho, iyo waliba guddiyada madaxa banaan ee dhawaan baarlamaanka ansixiyey.

Goobjoog News