U bood dhigaalka

Cumar Cabdirashiid Oo La Filayo Inuu Noqdo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Ayaa Maanta Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Cumar CabdirishiidWaxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo la filaayo in loo magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Diyaarad gaar ah oo waday Mr Cumar ayaa kasoo degtay garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, taa oo ka timid magaalada Nairobi oo uu soo maray ka dib safar uu uga soo kicitimay dalka Mareekanka.

Waxaa soo dhaweeyay siyaasiin iyo xubno ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka oo halkaasi ku sugaayay.

Cumar Cabdirashiid ayaa Ra’iisul wasaare kasoo noqday dowladii KMG ahayd, waxaana wararka ay sheegayaan in maalinta beri ah loo magacaabi doono Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Hadii Cumar Cabdirashiid xilkaan loo magacaabo waxa uu noqonayaa shaqsigii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay islamarkaana Laba jeer noqda Ra’iisul wasaare.

Goobjoog News