Cumar C/rashiid Oo Ku Guuleystay Kursiga 1-aad Doorashada Aqalka Sare Ee Puntland

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ku guuleystay Kursiga 1-aad ee doorashada aqalka sare qeybta Puntland taas oo ka socota Garoowe.

Ra’iisul Wasaare Cumar  ayaa helay codad gaaraya 47, halka Aamino Aadan Cabdullaahi oo la tartameysay Ra’iisul wasaaraha ay heshay 17, waxaana hallaabey Hal cod.

Doorashada ayaa ka socota xarunta baarlamaanka Garoowe, iyadoo xildhibaannada ay sii wadi doonaan doorashada xubnaha kale.

Puntland ayaa aqalka sare waxaa kaga soo aadey 11 xubnood, iyadoo musharraxiin badan ay tartamayaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW