U bood dhigaalka

Cumar Filish oo La Hadlay Dibadbaxyaal Careysan oo Maanta Bannaan Baxyo Ka Dhigay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa caasimadda Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa la hadlay dibadbaxyaal careysan oo maanta magaalada muqdisho ka dhigayay bannaanbaxyo rabshado wata oo ay uga soo horjeedaan dil xalay degmada Boondheere loogu geystay 2 ruux iyo bandowga habeenkii ah.

Cumar Filish ayaa shacabka isku yimid u sheegay inay madaxda dowladda ay la qeybsanayaan dhibka soo gaaray dadkii xalay lagu dilay magaalada waxa uuna sheegay in askarigii dilka geystay la saari doono maxkamad islamarkaana ka guddoomiye ahaan uu arrinkaasi ka warqabi doono.

Dhanka kale guddoomiyaha ayaa tilmaamay in culeysyada dhanka bandowga ah ee ay dareemayaan bulshada ay dowladdu go’aanno ka soo saari doonto saacadaha soo aaddan.

“Dhacdada xalay dhacday waa mid aan idinla qeybsanayo xannuunkeeda askariga dilay dadka waxaa loo qaaday xabsiga ciddii amartay iyo isaga tallaabo cad ayey ka qaadeysa dowalddu, bandowga iyo waxayaabaha kale ee caqabadda ku ah bulshada taladeeda dowladdaa u fadhida go’aannaa ka imaanaaya saacadaha soo socda” ayuu yiri  duqa Muqdiho Cumar Filish.

Amarkii dowladdu soo rogtay ee ahaa in marka la guda galo bisha ramadaan ay magaalada Muqdisho bandow tahay laga bilaabo 7:00 fiidnimo ayaa waxaa ka dhashay habeenkii ugu horeeyay in 2 ruux oo shacab ah oo midi ay tahay haweeneey lagu dilo magaalada ka dib markii ay is maandheefeen askari ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya.

Goobjoog News