U bood dhigaalka

Cumar Finish: Anigu Hawiye Ma ahi Miyaa, Duurka Miyaan Ka imid?

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa maanta u hanjabay mucaaradka dowladda isaga oo sheegay in Hawiyennimo aan lagu handadi karin ” Maanta in lagula handado Hawiye ayaan nahay qori ayaan soo qaadanaynaa sax miyaa? dhinaca kale fiiri Maxamed Xuseen Rooble, hawiye ma aha miyaa?  guddoomiyihii gobolka ayaan ahay, gobolkaan mas’uuliyadiisa iyo amniga aniga ayuu i saaran yahay, Anigu Hawiye ma ahi miyaa?  duurka miyaan ka imid. Muku dhacaan in ay qashqashaadaan oo aad ogtihiin intii idin kaga dhimatay ma kudhacaan’ ayuu yiri.

Dhanka kale waxaa uu soo qaatay aayad banneyneysa dilka meel walba oo lagu arkom, waxaa uu yiri “Ayagu waa ogyihiin in aysan ku dhicine kuwa soo diray ayey u muujinaayaan in ay shaqeeyeen,  xaqiiqdu waa sidaas, haddii ay isku dayaan qalalaasana Allah SWC tallaabadii aan qaadi laheyn ayuu noo tilmaamay , Suurutul Axbaab,

لئن لم ينته المنافقون والذين في قلوبهم مرض والمرجفون في المدينة لنغرينك بهم ثم لا يجاورونك فيها إلا قليلا ( 60 ) ملعونين أينما ثقفوا أخذوا وقتلوا تقتيلا ( 61 )

Ilaahey qur’aankiisa ma ahaanoo, Cumar ma dhihin, gabyaana ma dhihin:

Goobjoog News