U bood dhigaalka

Cumar Finish:  Dad Ayaa Afuufaya Colaad

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo la hadlay koox dad ah ayaa sheegay dad rabshadaha bilaabay ay ahaayeen dad laga leeyaay dibadda, halka dhalinyarada qoryaha watana uu ku tilmaamay iney dhibeyso xiriirka loo jaray Kenya iyo go’aankii dowladda federaalka ah.

Dhanka kale, waxaa uu ka hadlay waxaa uu ku sheegay dad doonaya iney dalka u celiyaa 30 sano ka hor “Dadaalkaa socda, damiir xumo iyo dulinnimo in lagu dhinac wado taas oo  caqabado ku ah, looga hortagaayo dadaallada  dib u dhiska, iyo  amni iyo nafaad ka shaqeynta, oo aad loo buunbuuninaayo, oo afuufaayo in magaaladan la dhigo magaalo dunsan, magaalo colaadeed, magaalo aan nadaam iyo kala dammbeyn ka jirn, oo ah meeshii aan ka nimid, dad ay gashay damiirkooda siyaasadeed in meeshaas noo celshaan ma ahane in aaney heleyn damacooda ay rabaan”.

Hadalkan ayaa yimid saacado kadib markii ay dibadbaxyo ka dhaceen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho kuwaas oo la isku adeegsaday rasaas nool.

Goobjoog News