U bood dhigaalka

Cunno La’aan Haysa Qoysas Badan Oo Ku Dhaqan Deegaanka Faafax Dhuun Ee Gedo

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Faafax Dhuun ee gobalka Gedo ayaa ka deyriyay xaaladda nolooleed ee qoysas ku dhaqan deegaankaasi.

Gudoomiyaha deegaankaasi Aadan Shuqul Nuunow oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in qoysaskaan oo u badan kuwo kasoo barakacay dagaallo ka dhacay gobalkaasi iyo sidoo kale dad ka yimid Kenya ay hayso cunno iyo Hoy la’aan.

Waxa uu tilmaamay in deegaankaasi aanay ku sugneen wax hay’ad samafal ah, islamarkaana maamulkooda aanu awoodin in dadkaasi uu wax u qabto.

“Illaa iyo 30 qoy ayaa nala joogta, anagii oo xaalad adag ku jirnay ayaa hadana waxaa inoogu darsantay xaaladda dadkaan kale ee soo qaxay, waxaa deegaanka ka jirta Hoy iyo cunno la’aan, caafimaad darri iyo waxyaabo kale oo nolosha muhiim u ah” ayuu yiri gudoomiyaha.

Ugu dambeyn gudoomiyaha deegaanka Faafax Dhuun ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka ah iyo dowladda Federaalka Soomaaliya in ay u istaagaan sidii shacabkaasi dhibban loogu gurman lahaa.

Goobjoog News