U bood dhigaalka

Cunug Yar Oo Ku Dhaawacmay Bam Lagu Tuuray AMISOM

Sheeko:Dalka

Warar goordhaw naga soo gaaray magaalada Marka ayaa sheegaya in Bam gacmeed lagu weeraray Ciidamada AMISOM oo marayey gudaha Marka.

Cunug yar ayaa la sheegayaa in uu ku dhaawacmay qaraxa Bam-ka iyadoo ciidanka AMISOM-na ay goobtii hareeyay, iminkana uu baaritaan socdo.

Qof Goobjooge ah oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in la xiray dhamaan goobihii ganacsi oo ku yaalay bartamaha magaalada Marka Xaaladdana ay aad u kacsan tahay.

Wixii warar ah kala soco, Goobjoog News