Curyaamiin Ku Sugan Magaalada Baydhabo Oo Loo Qeybiyay Baaskiillo

Qurbajoog Soomaaliyeed ayaa baaskiillo waxa ay u qeybiyeen qaar ka mid ah dadka curyaamiinta ee ku sugan magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay.

Baaskiiladaan oo ah kuwo loogu tala galay in ay ku socdaan dadka naafada ah, ayaa waxaa ka faa’ideystay 40 qof oo Curyaamiin ah.

Qaar ka mid ah dadkaan nasiibka u helay in loo qeybiyo Baaskiiladaan ayaa aad uga mahadceliyay deeqdaan, waxaana ay sheegeen  in taasi ay ka faa’ideystaan.

Sidoo kale qurbajoogtii keentay Baaskiiladaan ayaa iyana sheegay in mar walba ay ku dadaali doonaan sidii ay ku caawin lahaayeen dadka curyaamiinta ah.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW