U bood dhigaalka

Cusmaan Cumar Gas-gas oo loo magacaabay ku simaha taliska Booliiska Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Cabdiweli Sheekh  ayaa magacaabay ku simaha taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed saacado kadib geeridii taliyihii hore ee Booliiska General Maxamed Xasan Ismaciil

Sareeyo guuto Cusmaan Cumar Wehliye (Gas-gas) ayaa si KMG ah loogu magacabay xilka Taliyaha Booliska Soomaaliyed , Gas-gas ayaa mudada badan ku soo jiray howlaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Wasiirka Amniga Qaranka mudane Khaliif Maxamed Ereg oo shir jiraa’id ku qabtay xafiiska Ra’isul Wasaaraha dalka ayaa sheegay in loo magacaabay Sareeyo guuto Cusmaan Cumar Wehliye (Gas-gas) in uu sii hayo xilka Taliyaha ciidanka Booliska oo uu tilmaamay in muhiim ay tahay in la buuxiyo howshii baaxada laheyd ee uu hayay Allaha u naxariistee General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil.