U bood dhigaalka

C/weli Gaas “Ciidanka Puntland Mushaar, Gunno Iyo Raashiin Bay Qaataan”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay warar soo baxayay maalmihii ugu dambeysay, kuwaa oo sheegayey in ciidanka maamulkaasi aanay muddo wax mushaar ah qaadan.

Gaas ayaa sheegay in warkaasi yahay mid been abuur ah, islamarkaana ciidamada maamulkiisa ay siiyaan mushaarkooda, walibana ku dedaalaan sidii ay bil walbo ciidankaasi mushaarkooda si joogto ah ugu heli lahaayeen.

Wuxuu tilmaamay Madaxweyne Gaas in ciidanka Puntland ay qaataan mushaar, gunno, raashiin iyo wax walbo oo ciidan la siiyo.

“Waa been warkaasi ciidankeenna waxay qaataan mushaar, gunno iyo  Raashiin, waxaan ku dedaalnaa in ciidankayaga aanu marnaba bil qadin, marka cidda leh mushaar lama siiyo ciidanka waa dad dano kale leh oo been abuuranaya” ayuu yiri Gaas.

Marar badan ciidamo ka tirsan maamulka Puntland waxay sheegeen inaanay qaadan mushaar, qaar kamid ah ciidankaasina waxay sameeyeen gadood, iyaga oo la wareegay xarumo muhiim ah.

Goobjoog News