U bood dhigaalka

C/weli Gaas oo iska fogeeyay eedeyn dhawaan uga timid Kooxda la socodka xayiraadda hubka ee Soomaaliya Iyo Eritrea (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Madaxwaynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa si kulul u beeniyay eedeymo ay u soo jeedisay Kooxda la socodka xayirada hubka ee saran Soomaaliya Iyo Eritrea.

Kooxdan ayaa ku eedeysay Gaas in uu la yeelan waayay is kaashi shaqo xili ay doonayeen in ay wax ka weydiiyaan arimo la xiriira falalka burcad badeednimo iyo la dagalanka Xarkadda Al -Shabaab.

Waxa ay si gooni ah ay ugu eedeyeen kooxdan in uu   xiriir la leeyahay burcad badeeda Soomaalida dhabna aysan ka ahayn dagaalk lagula jiro Xarakada Al Shabaab.

Cabdiwali wali Gaas oo wareysi siiyay BBC-da qaybta Afrika la hadasha ayaa carababay in dhamaan eedeymaha loo jeediyay ay yihiin kuwo aan waxba ka jirin.

“Eedeyntaasi waxaan dhihi karaa waa mid aan waxba ka jirin, xiriir lama lihi Burcad badeed, falkii ugu dambeeyay ee Burcadbadeeda ee ka dhaca waxa uu dhacay bishii May 2012, xilligaa aniga madaxweyne ma ahayn, dhinaca la dagaalanka argagaxisada waxaan kula dagaalameynaa buuraha, askartayda ayaa ku dhimanaysa buuraha Gal-gala, waa eedeymo aan waxba ka jirin, fiiri waan la shaqeynaa kooxda la socodka xayiraadda ee hubka saaran Soomaaliya, waxay na weydiistaan inaan la shaqeyno, waana u faah faahinaa wixii ay na weydiiyaan” ayuu yiri C/weli Gaas.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa dhanka kale waxaa la weydiiyay arin ku aadan in wax wada shaqeyn ah aanay kala dhaxeyn kooxdaan, hadii ay jirtana ay liidato, sidoo kalena isaga uu ku yahay caqabad dhanka wada shaqeynta.

“Taas waxba kama jiraan, tusaale aan ku siiyo waxay igu yiraahdeen, waxaan rabnaa inaan ku areysano ee Dubai imaaw, waan ka diiday sababtoo ah, maxaan ka doonayaa Dubai”

Dhanka kale Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay arimaha ku saabsan qeyraadka maamulka Puntland iyo sidoo kale qaabka ay uga faa’ideestaan iyo arimo dhanka maalgashiga ku saabsan.

“Waxaan leenahay qeyraad, waana qeyraadka dabiiciga ah ee Kaluumaysiga, laakiinse ma haysano dhaqaalihii aan ku maali gelin lahayn, laakiin sidoo kale ma haysano awood aan ku dhisno shirkadihii loogu tala galnay Kaluunka, tusaale halkii aan ka iibin lahayn kaluunka, waxan u baahannahay nidaamkii aan ku shaqeyn lahayn, waxaan shaqo u abuureynaa dhalinyaradeena” ayuu yiri Gaas.

Waxaa la weydiiyay in aysan helin hay’ado Puntland ku sameeya maal gelin, mise waxay doonayaan in kuwo badan ay helaan.

“Waxaan isku dayeynaa in caalamka aan u sheegno in Puntland ay leedahay ganacsi fur duran, waxaana meelo badan naga soo gaaraya jawaabo wanaagsan”

Wareysiga lala yeeshay Gaas oo maqal ah halkaan hoose ka dhageyso

 

 

Goobjoog News