U bood dhigaalka

C/weli Gaas Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo shirka lagu go’aaminayo nooca doorasho ee ka dhacaysa sanadkan 2016-ka.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in madaxda Federaalka iyo kuwa maamul gobaleedyada ay isku laabanayaan si ay isugu raacaan nooca doorasho ee dalka ka qabsoomaysa.

Dhinaca kale, Cabdiweli Gaas ayaa been abuur ku tilmaamay warar maalmihii dambe saxaafadda ay siinayeen siyaasiyiin ka soo jeedda Puntland oo uu ka mid yahay siyaasiga Cali Xaaji Warsame oo ka mid ahaa musharrixiintii u tartamay jagada madaxtinimo ee Puntland kaasoo Cabdiweli Gaas ku eedeeyay inuu shacabkiisa uu qiyaanay.

Gaas ayaa tilmaamay in shirkaan ka furmi doona magaalada Muqdisho lagu gaari doono go’aan kama dambeys ah.

Dhinaca kale waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan madaxda maamul gobaleedyada Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News