U bood dhigaalka

Daacish Oo Duqeysay Tuulooyin Turkiga Ah Iyo Ankara Oo Bilowday Howl-gal Militari

Sheeko:Dalka

Dowladda Turkiga ayaa la sheegayaa in dadka ka rartay tuulooyinka ku dhaw xadka dalkaasi uu la wadaago dalka Suuriya halkaas oo ay gacanta ku hayaan kooxda Daacish.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii Daacish ay madaafiic ku garaacday tuulinkaas xadka ah.

Dhinaca kale, Ciidamada cirka ee Turkiga iyo gaashaanbuurka ayaa la sheegayaa in ay qaadeen weeraro xagga cirka ah oo ka dhan ah Daacish.

Weerarada ayaa ka dhacay magaalooyin ay ka mid tahay Jarablus si looga saaro kooxda Daacish, sidaa waxaa sheegay sarkaal u hadlay dhanka Turkiga.

Daacish ayaa weerarro ka fulisa dalka Turkiga, waxaana muuqata in Ankara ay gashay dagaal aargoosi ah.

Goobjoog News