U bood dhigaalka

Daacish Oo Laga Qabsaday Magaalo-weyn Tii Ugu Dambeysay Syria

Sheeko:Dalka
Wararka ka imaanaya dalka Suuriya waxaa ay sheegayaan in Asad iyo xulafadiisa aya Daacish ka qabsadeen magaalo-weyn tii ugu dambeysay ee Islaamiyiinta ay ka talin jireen, Ciidamo ka socda Ciraaq ayaa oo xadka kula kulmay kuwa Suuriya, dagaalkana qeyb ka ahaa.
Ciidamo daacad u ah Bashaar Al-asad ayaa la wareegay magaalada Abu Kamal oo ku taalo dooxada Euphrates, magaaladan la xoreeyay waxaa ay ku taallaa Diir-zuur oo ah xadka Suuriya iyo Ciraaq, waa goob laga helo naftada iyo macdanta.
Jabka Daacish ee Suuriya ayaa imaanaya kadib markii laga qabsaday dhammaan magaalooyinkii ay ku xoogga badnaayeen laga soo bilaabo Raqa, Caasimadooda.
Goobjoog News