U bood dhigaalka

Daacish Oo Sheegatay Mas’uuliyadda Weerarkii Indonesia

Sheeko:Dalka

Saraakiil u hadashay  Booliiska dalka Indonesia ayaa sheegatay in ay iminka ugaarsi  xoogan ku hayaan kooxo la sheegay in ay weeraro ka geysteen caasimada dalkaa ee  Jakarta.

Laba qof oo rayad ah iyo shan ka tirsan raggii weerarka soo qaaday ayaa shalay ku geeriyooday qaraxyo iyo xabado is weydaarsi dhex martay ciidamada ammaanka dagaalyahanno la sheegay in ay ka tirsanaayeen Daacish.

Jenaral ka tirsan ciidamada Booliska dalkaa oo lagu magacaabo Tito Karnavian ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka dadka soo qaaday ay damacsanaayeen in ay geystaan khasaaro ka badan ee khamiistii dhacay.

Inkastoo Daacish ay sheegatay in weerarka ay ka dambeysay haddana dowladda Indonesia waxa ay la xiriirisay kooxo saldhigoodu uu yahay Sulawesi iyo Java.

Daacish ayaa sii deysay war sheegay in iyadu ay weerarka kadambeysay oo ay dhacdada fuliyeen ciidamada Dowladda Islaamiga ah, bartilmaameedkooduna uu ahaa kooxo islaam naceeb isku baheystay.

Madaxweynaha dalkaa Joko Widodo ayaa dhacdadaa ku tilmaamay fal argagixiso isaga oo maanta oo Jimca ah bartiisa tweeterka soo dhigay ‘’ argagixisado boos kuma lahan dunidan cid kastana waxa uu waajib ka saaranyahay in ay ladagaasho ayuu yiri madaxweynuhu.

Dadka geeriyooday waxaa ku jira Laba qof oo u kala dhashay Canada iyo Indonesia halka dhaawac uu soo gaaray 20 ruux oo kale.

Goobjoog News