U bood dhigaalka

Xoogaga Daacish oo sheegatay Weerar Dad Badan Ku Dhinteen

Sheeko:Dalka

Xoogaga Daacish ayaa sheegtay Weerar is Miidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Diyaala oo ku taalo Waqooyi bari magaalada Baqdaad.

Ugu yaraan 115 qof ayaa ku dhimatay weerarka, dhacaawa ayaa lagu waramayaa in uu kor u dhaafay 120, ururkan ayaa sidoo kale sheegay in ay weerarkan u adeegsadeen waxbaaha qarxa.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegay in gaariga qarxay uu taagnaa goob suuq ah, qaraxa uu dhacay xili Suuqa laga dukaameysanayo taas oo keentay in Caruur iyo haween badan ay ku dhintaan.

Wariyaal goobta ku sugnaa ayaa soo sheegaya in dadka halkaas lagu xasuuqay ay u badnaayeen Rayid, Caruur iyo Haween ayaa u badan, dhimashadana waxaa la filayaa in ay sii badato.

Goobjoog News