U bood dhigaalka

Daacish Oo Sheegatay Weerarkii Ka Dhacay Masar

Sheeko:Dalka

Wakaaladda wararka Acmaaq ee ku hadasha afka ururka Daacish ayaa sheegtay mas’uuliyadda ah weerarkii shalay subax lagu qaaday Kaniisad ku taallo waqooyiga caasimadda Masar in kooxda ka dambeysay.

Weerarkaan ayaa waxaa lagu dilay 9 qof iyo nin Tukaanle ahaa oo Qibdhiya kaasi oo ku sugnaa goobta uu weerarka ka dhacay sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Masar.

Wasaaradda ayaa sheegtay in qofka weerarka fuliyey uu ka qeyb galay weeraro horay, waxaana lagu magacaabaa Cali Ibraahim Ismaaciil oo dhashay sanadkii 1984 .

Weerarkaan ayaa waxaa uu imaanayaa waxyar ka hor u dabaaldagidda sanadka cusub ee 2018,sanadkii tagay ayey aheyd markii in ka badan 100 qof lagu dilay qaraxyo iyo weeraro ka dhacay Masar waxaana mas’uuliyadda sheegtay Daacish.

Goobjoog News