U bood dhigaalka

Daacish Oo Soo Riday Diyaarad Dagaal Oo Ruushku Leeyahay

Sheeko:Dalka

Mid ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dalka Ruushka ayaa lagu riday Magaalada Tudmur ee dalka Suuriya iyadoo halkaas ay ku geeriyooday labo duuliye oo saarnaa, sidaa waxaa xaqiijiyay wasaaradda gashaandhigga dalka Ruushka

Diyaaraddan waxaa soo riday kooxda Daacish, waxaana lagu waramayaa in rasaasta ay ka dhamaatay sidii ay duqeyn ugu wadday kooxdaas.

Ruushka oo xulufo la ah Madaxweynaha Suuriya Asad ayaa duqeyn ka dhan ah Daacish bilaabay bishii September ee tagtay.

Daacish ayaa sheegay inay si xeeladeysan usoo rideen diyaaraddaasi, iyaga oo ku hanjabay sidoo kale inay soo ridi doonaan diyaaradaha kale ee ay leeyihiin dalalka dagaallada kula jira.

Goobjoog News