U bood dhigaalka

Daadajinta Adeegyada Caafimaadka ee Gobolka Banaadir oo Laga Hadlay

Sheeko:Caafimaadka
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho  Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka sanad guurada Daadajinta Adeegyada Caafimaadka Gobolka Banaadir.
Munaasabdan oo ay ka qeyb galeen madax kala duwan ayaa lagu bogaadiyay faa’idooyinkii laga dhaxlay tan iyo markii uu maamulka gobolka Banaadir uu lasoo wareegay maamulidda adeegyada Caafimaadka Caasimadda magaalada Muqdisho.
Agaasimaha Caafimaadka gobolka Banaadir Maxamed Maxamud Cadow ayaa ka hadlay marxaladihii laga soo maray daadajinta adeegyada Caafimaadka gobolka iyo wadadii loo qaaday sidii loosoo galin lahaa gacanta maamulka gobolka.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada MuqdishoCumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhankiisa waxa uu tilmaamay in maamulkiisa ay ka go’an tahay sidii adeegya wax tar leh ay bulshada caasimadda ay u heli lahaayeen.
Goobjoog News