Maamul Gobolka Banaadir ayaa tababaraha kooxda Gobolka Banaadir ee ka qeyb galaysa tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir u magacaabay ciyaaryahankii hore Xulka Qaranka Soomaaliya Daadir Amiin Cali oo iminka ah Guddoomiyaha isboortiga degmada Xamar Jajab,sidoo kalane ah tababaraha naadiga Geeska Afrika.
Xasuusin:-Aqriso Macallin Daadir oo Muqdisho kula guulaystay Horyaalka
Daadir Amiin “Taariikh Wanaagsan Ayay Ii Tahay Hanashada Horyaalka ”
Daadir Amiin ayaa sameeyay taariikh wanaagsan,isagoo kooxda Geeska Afrika u soo saaray horyaalka Soomaaliya,sidoo kale naadiga Muqdisho City Club kula guulaystay horyaalka Soomaaliya.
Sidoo kale Daadir oo Geeska U Qaaday horyaalka 2aad ee Soomaaliya
Daadir Amiin “Waan Ku Faraxsanahay Hanashada Horyaalka Heerka Koowaad Ee Soomaaliya ”
“Waan ku faraxsanahay xilkan waa shaqo adag oo u baahan in laga gaaro guul,waxaan u mahad celinaynaa maamulka isboortiga Gobolka oo xilka igu aaminay,waxaana rajayn doonaa in aan gaarno guulo waaweyn waqtiga dhaw” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Macallin Daadir Amiin Cali.