U bood dhigaalka

Daadir Amiin “Taariikh Wanaagsan Ayay Ii Tahay Hanashada Horyaalka ”

Sheeko:Cayaaraha

Tababare ku xigeenka kooxda Dowladda hoose ee Muqdisho City Club Daadir Amiin Cali ayaa horyaalka Somalia Premier League qaaday,isagoo macallin iyo ciyaaryahan wuxuuna arintaa ku sheegay rikoor aad u wanaagsan u sameeyay,tani ay qeyb ka qaadanayso horomarka xirfada tababarnimo.

Sanadii 2016 Daadir Amiin waxa uu ahaa kabtankii hogaaminayay naadiga Banaadir Sports Club ee ku guulaystay horyaalka Soomaaliya,blase saddex sano ka dib waxaa u suurta gashay 2020 in uu qaado horaaylka Soomaaliya,isagoo ka mid ah macallimiinta kooxda Muqdisho City Club.

“Waa taariikh ii wanaagsan labada waqtiba ma iloobi doono waxaan samaysay rikoor wanaagsan waana sii wadi doonaa guulahan oo kale” ayuu Goobjoog Sports u sheegay tababare ku xigeenka naadiga Muqdisho City ClubDaadir Amiin Cali.

Sidoo Kale Halkan Ka Aqriso Hanashada Horyaalka Iyo Kooxda Muqdisho City

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/muqdisho-city-club-oo-si-weyn-ugu-dabaal-dagtay-hanashada-horyaalka-soomaaliya/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle