U bood dhigaalka

Daahir Amiin Jeesow oo rajo xumo ka muujiyey shirarka lagu dhisayo maamul goboleedyada

Sheeko:Dalka

Gudiga Arimaha Gudaha iyo Federaalka ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Rajo Xumo ka muujiyay Shirarka lagu doonayo dhismaha Maamul Goboleedyada Dalka ee ka soconaya qeybo ka mid ah Gobolada dalka.

Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Arimaha Gudaha iyo Federaalka ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo la hadlay Goob-joog FM ayaa sheegay in Gudigoodu uusan ogeyn kulan leysugu keenay beelaha Soomaaliyeed kaas oo ay ku cadeeyeen inay ku qanacsan yihiin shirarka soconaya.

Waxaa uu tibaaxay in shirarka qaar ay dano gaar ah ka leeyeen dad gaar, waloow uu ka gaabsaday magacaabidda shaqsiyaadka danaha kaleh shirarkasi.

Xildhibaan Jeesoow ayaa intaasi raaciyey in Baarlamaanka soomaaliya ay Mas’uuliyad ka saran tahay hogaaminta nidaamka lagu dhisayo maamul goboleedyada dalka isaga oo rajo xumo ka muujiyay inay mira dhalaan shirarka kala duwan ee lagu doonayo in lagu dhiso Maamulada.