U bood dhigaalka

Daahir Carab: Warbixinta HIPS Waxaa Ku Jira Khaladaad Taariikheed, Cilmi iyo kuwa khilaafsan Xaqiiqooyinka

Sheeko:War

Mac-hadka Heritage ayaa bishaan Janaayo soo saaray  warbixin cinwaankeedu yahay ( Dib-udhiska Nidaamka Cadaaladda Soomaaliya ee Burburay)’ Warbixitaan sida muuqato waxay ka hadleysaa Nidaamka Cadaaladda Dalka laga soo  bilaabo ka hor xurriyadii  ilaa maanta sida uu yahay nidaamka cadaaladda dalku.

Warbixintu waxay mudan tahay in la amaano sababtoo ah waxay la xiriirta mawduuc muhiim u ah noloshada bulshada Soomaaliyeed’ sidoo kalane waa isku day bilaw ah oo mudan in la  bogaadiyo’ hase ahaatee warxibinta waxaa ku jira khaladaad waawayn oo marna aan laga aamusi karin’ khaladaadka muuqdo waxay iskugu jiraan kuwa taariikheed’ kuwa cilmi iyo kuwa khilaafsan xaqiiqooyinka jira.

Waxaa kale oo mudan in hoosta laga calaameeyo in warbixintu ay ka gaabisay sheegidda arrimo muhiim ah oo ay tahay inay tilmaanto cid kasta oo mawduucaan daraasad ka samaynaysa.

Haddaba’ hadddii alle idmo waxaan rabaa in aan si kooban u tilmaamo khaladaadka ugu waawayne ee warbixinta ku jira iyo sidoo kale arrimaha ugu muhimsan ee ay warbixintu ka gaabisay.

Waa maxay khaladaadka waawayn ee ku jira warbixinta Heritage?

Ugu horrayntii waxaan isku dayayaa in aan calaameeyo khaladaadka ugu waawayn eeku jira warbixinta Heritage’ khladaadkaas oo ay ugu muhimsan yihiin kuwa soo socda:

  • Warbixinta HIPS’ waxaa lagu sheegay in laba sannadood xurriyaddii kadib dawladdu magacawday guddiga midaynta shuruuclaba gobal (Consultative Committee for the Integration of Legal Systems) Arrintaas Waa khalad’ Sababtoo ah Guddigaan waxaa la magacaabay 11 october 1960’ oo ah Saddax bil kadib Xurriyaddii Waxaana lagu magacaabay Wareegto Lr 19 ee 11/October 1960.[1]
  1. Warbixinta HIPS’ waxaa lagu sheegay in Xeerka Nidaamka garsoorka ee 1962’ uu jiddaynaayay in Xeerarka Madaniga iyo Ciqaabta saldhig looga dhigay Xeerka madaniga ee taliyaaniga iyo Xeerka Ciqaabta ee Taliyaaniga’ Arrintaas oo cilmi ahaan khadlad wayn ah waayo shuruucda la dabaqaayo waxaa qeexaaya qoddobada 23-aad iyo 9-aad ee Xeerka Nidaamka garsoorka sidoo kale mowduucaan waxaa nidaaminaaya qoddobka  1-aad ee sharciga modawga labadii gobal ee ee Sharci 5 ee 31 January ee 1961’  sharcigaas oo qeexaayaa in  gobal kasta oo ku dhaqmaayo shuruucdii horay dhaqangalka ugu ahayd xurriyadda ka hor ilaa laga soo saaraayo shuruuc mideysan oo baddalaysa shuruucdii hore’ [2]’ Waxaa kale oo in la xusa mudan in Xeerka madaniga ee Taliyaanigu uu dhaqangal ka ahaa goballada koonfurta ilaa 1973’ halka goballada waqooyi uu dhaqangal ka ahaa Xeerarka Madaniga ee India  oo ka kooban qaybahaan   (Indian) Contract Act 1872, the Limitation Act 1908, the Transfer of Property Act 1882 and the Land Acquisition Act 1894 .[3]
  2. Warbihinta HIPS waxaa lagu sheegay in Guddigii midaynta shuruucdu markii ay qoraaayeen Xeerka Habka ciqaabta ay qaateen  Xeerka Habka ciqaabta India’ oo meesha laga saaray Xeerka Habka Ciqaabta British oo asagu horay dhaqangal uga ahaa goballada waqooyi’ warbixinta HIPS Waxay u qoran tahay sidaan ((Si kale haddii loo dhigo, sharciga cusubi waxa uu meesha ka saaray sharcigii Ingiriiska, waxaana lagu beddelay ka Hindiya)) Arrintaas  waxaa ka muuqdo macluumaad yari waayo   Xeerarka India gaar ahaan Xeerka  Habka Ciqaabtu wuxuu si toos ah dhaqangal uga ahaa goballada waqooyi’ ka hor xurriyaddii Xeerakaan waxaa ka mid ahaa kuwaan:
  • Indian Code of Criminal Procedure’
  • Indian Evidence Act 1872. [4]
  1. Warbixinta HIPS waxay Sheekadaas mala awaalka ah ku sii babasaysay sidaan (Waxa jiray dhawr arrimood oo loo aaneeyo sababta arrintaasi u dhacday. Tan ugu macquulsanina waxa ay ahayd in markii xorriyadda laqaatay guddoomiyihii koowaad ee maxakamadda sare laga dhigay Hindi Muslin ah, kaas oo loo keenay in uu dalka ka caawiyo sidii dhidibbada loogu taagi lahaa nidaamkii bilawga ahaa ee garsoorka Soomaaliya) Arrintaan intii horaba ka sii yaabadan sababaha soo socda awgood:
  • Marka Koobaad guddoomihii ugu horeeyay ee Maxkamadda sare ee Dalka Xurriyadii Kadib Ma ahayn Hindi ee wuxuu ahaa taliyaani magaciisa waxaa la dhihi jiray Dr  Guiseppe Papale, oo horay u haayay  Xilka  Guddoomiyihii Maxkamadda Cadaaladda  ee goballadii koonfureed ee taliyaanigu gumaysa jiray, Waxaa xilka laga qaaday  bilawgii 1965. Guddoomiya ku xigeenna waxaa ahaa nin kale oo taliyaani ah  ooo magiciisa la yiraahdo Aldo Peronaci, oo asgu markii dambe badalay Dr  Guiseppe Papale.
  • Ninka Hindiga ah ee HIPS  Warbixinteeda ku xustay   waa Dr. HAJi N. NOOR’ Muhamud oo loo magacaabay garsoore Maxkamadda sare ee dalka 1961 si loo fuliyo  Axkaamta ku qoran Xeer Lr 18 ee 24May  soona baxay 1961’oo  faraayay in Racfaannada Goballada waqooyi laga soo qaatay ay dhagaystaan guddi uu ku jiro ugu yaraan hal garsoore oo yaqaanno Hannanka sharci ee Common lawga’ isla markaana yaqaanno luqadda engiriiska’ maadaama shuruucda goballada waqooyi dhaqangalka ka ahayd ay ahayd common law’ sidoo kalane luqada maxkamadahu ay ahayd afka Engilish ka.[5]
  • Xaaji Noor Muhamuud’ Waligiis ma noqon Guddoomiyaha Maxkmadda sare ee dalka hase ahaatee wuxuuu ahaa garsoore Maxkamadda sare ee dalka sidoo kale 1965 ayaa loo magacaabay gudoomiyaha Xu xigeenka Maxkamadda sare ee dalka.
  1. Warbixinta HIPS waxaa lagu xusay in dawlad gobaleedyada uu ka jiro hanaan garsoor oo lama soo miin guuriyay kii milatariga warbixinta waxay u qorantahay sidaan (Intooda ban, shanta dowladood ee xubnaha ka ah fadderaalka iyo Banaadir waxa ay adeegsadaan nidaam garsoor oo ka kooban saddex heer, kaas oo laga dhaxlay taliskii Siyaad Barre)Arrintaas oo ah aarrin aan xaqiiqo ku dhisnayn waayo garsoorka  gobaleedydu iyo kan  federaalkuba waxay ku dhaqmaan Xeerka Nidaamka garsoorka 1962’ haddii laga reebo  dawlad gobaleedka Puntiland oo ayadu leh Xeer nidaam garsoor oo gaaar ah.
  2. Warbixinta HIPS waxaa ka muuqdo in Maxkamadaha racfaannada dawlad gobaleedyada qaarkood ay leeyihiin ikhtisaas asalka ah (original jurisdiction)  taas oo micnaheedu tahay in ay jiraan dacwo gaar ah oo ka bilawdo Maxkamadda racfaanka ‘ sidaan ayay u qorantahay warbixinta HIPS (Tan waxa ka sarreeya Maxakamadda Rafcaanka, oo sida caadiga ah ku taalla caasimadda gobalka (dowlad goboleedka. Maxakamaddani waxa ay wax ka qabataa kiisaska culculus ee ay soo gudbiso Maxakamadda Darajada Koowaad- sababta ay u soo gudbisaana waa in ay awooddeeda ka baxsan yihiin miisaanka iyo baaxadda danbiyadu.)
  1. Warbixinta HIPS waxaa lagu sheegay in markii ugu horeeysay Xafiiska Xeer-ilaalinta la dhisay 1962’ laguna dhisay xeerkii nidaamka garsoorka ee xiligaas soo baxay’ Waa arrin kale oo tilmaamaysa in HIPS aysan samayn Cilmibaaris dhab ah’ sababtoo ah Xafiiska Xeer-ilaalintu xilligaas ka hor ayuu jiray waxaana lagu dhisay Sharci Lr 5/ee 2 February

 Arrimo ay ahayd in ay warbixinta ka muuqdaan oo aan la soo hadalqaadin

Arrimaha hoos ku xusan waxay ka mid yihiin dhawr arrimood oo ay ahayd in warbixinta lagu xuso oo aan la soo hadal qaadin:

  • Marka la soo gaaro askariyeyntii nidaamka Garsoorka’ Warbixintu ma xusin Xeerka Nidaamka garsoorka 1974’ oo ahaa Xeer saldhig u ahaa hannaankii garsoor ee Dawladdii milatariga’ sidoo kalane ma xusin dastuurkii 1990’ oo iasgu xoogga saaray madaxbanaanida garsoorka iyo dhisidda hanaan garsoor ee ka duwan kii  ay dhisaayeen xeerka 1974 iyo  dastuurkii 1979.
  • Dhinaca dib u habaynta garsoorka warbixintu ma xusin dib’u habaynnadii ugu dambeeyay ee garsoorka lagu sameeyay gaar ahaan kuwii dhacay afartii sannadoo ee ugu dambaysay
  • Marka laga hadlaayo shirkii dib’u habaynta garsoorka ee 2013’ waxay ahayd in la tilmaamo khaladkii ugu waynaa ee la galay oo ahaa in aan xubnihii garsoorka qaybahooda kala duwan laga talo gelin shirka oo ay marti ka ahaayeen’ shirkana ay maamulayeen dad aan garsoorka iyo arrimihiisa waxba kala socon.

Ugu dambayntii ceebaha kale ee ka muuqdo warbixinta waxaa ka mid ah warbixinta oo ay ku yaryihiin  maraajic cilmi ah iyo kuwa taarikheed oo micno leh oo ay cuskato.

Qareen: Daahir Maxamed Cali

[1]  Fiiri wareegto Lr 19 ee 11/October 1960 iyo integration of Laws in the Somali Republic: Report on the Work of the Consultative Commission for Integration from Its Inception until 31st March, 1964Source: Journal of African Law, Vol. 8, No. 2 (summer, 1964), pp. 56-58 Published by: School of Oriental and African Studies.)

2 Fiiri sharci lr Sharci 5 ee 31 January ee 1961’ ee ku saabsan midawga labada gobal

3 http://www.somalilandlaw.com/civil_law_.html

5 The Somali Republic: An Experiment in Legal Integration, Frank Cass & Co, London (1969) at page 45 By Contini

5 The Somali Republic: An Experiment in Legal Integration, Frank Cass & Co, London (1969) at page 33 By Contini