U bood dhigaalka

Daahir Ciirro “Wadahadalka Somaliland Iyo Dowladda Haloo Daayo Soomaalida”

Sheeko:Dalka

Xildhibaan hore Daahir Cabdulqaadir Muuse (Daahir Ciirro) ayaa sheegay in wada hadallada ay dowladaha shisheeye ka dhex wadaan dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland aysan wax natiijo ah ka imaan karin.

Ciirro ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog ku sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay dib u heshiisiin aan cid kale u qaban.

Sidoo kale waxa uu sheegay xildhibaan hore Daahir Ciirro in Somaliland mowqifka fog oo ay aaminsan tahay looga masaxi karo iyadoo la qiro qalad uu sheegay in horay uu u dhacay.

“Natiijo lama sugayo inta Soomaalida dhexdeeda loo kala garqaadayo oo dalal shisheeye wadahadalsiinayaan, xalka ugu haboon waa in Soomaalida la isku daayo oo dhexdooda wadahadlaan, wax walbana ay miiska soo saaraan, Somaliland waxaa jiray qaladaad badan oo horey looga galay, waxaan is leeyahay haddii loo qiro qaladaadkaasi in xal badan imaan karo” ayuu yiri Daahir Ciirro.

Somaliland ayaa aaminsan iney tahay dal ka madaxbannaan Soomaaliya inteeda kale, iyadoo marar badan ay fashilmeen wadahadallo ay la lahaayeen dowladda Federaalka ah.

Goobjoog News