U bood dhigaalka

Daa’uud Aweys “Ajandaha Shirka IGAD waa Arrimaha Soomaaliya”

Sheeko:Dalka

Daauud AweysAfayeenka madaxweynaha Daa’uud Aweys oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegey in ajandaha shirka wasiiradda arrimaha dibada IGAD uu yahay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan horumarka laga sameeyey xagga hawlgalada ciidamada, iyo xasilinta nabadda.

“Dhamaan wasiiraddii loogu talagalay in ay shirka ka qeybgaleen waa ay soo gaareen magaalada Muqdisho” ayuu yiri Daa’uud oo intaasi ku daray in ay weheliyaan xubno ka socda urur goboleedka IGAD.

Wasiirada soo gaaray Muqdisho ayaa kala ah wasiirka arrimaha dibada ee Jabuuti , Kenya, Itoobiya, Suudaan, Suudaanta Koonfureed, iyo Uganda

4 ka mid ah wadamada IGAD ayay ciidamo ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah ciidamada nabad illaalinta midoowga Afrika ee AMISOM, waxayna kala yihiin Kenya, Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti.

Dhageyso

Goobjoog News