U bood dhigaalka

Daawo: Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun Riday

Sheeko:Amniga

Maxkamadda Ciidamada ayaa xukun Dil ah ku riday Nuur Daahir Geedi oo loo haysto dilka Cumar Xasan Macalim oo ka dhacay degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir, kadib markii marxuumka dhintay ay askariga ku murmeen bedelitaanka lacag uu uga iibasanaayey Sigaar, taas oo sababtay labo xabad uu riday in mid kamida ay ku dhacday.

Nuur Daahir Geedi ayaa ka tirsanaa ilaalada guddoomiyaha degamada Shangaani, waxaana uu xeer ilaalinta ka hor qirtay in xabad ka dhacay qorigii uu watay ay ku dhacday marxuum Cumar Xasan Macilim, kaas oo ahaa nin da’ah oo miis yar ku lahaa wadada dhinaceeda, waxuuna  ka maareyn jiray nolosha qoyska iyo tiro caruura uu dhalay Odayga.

Halkaan Ka Daawo Xukunka Maxkamadda

Goobjoog News