U bood dhigaalka

Kaalin shidaal uu dab ka kacay degmada Jowhar iyo Hanti ku baaba'day

Sheeko:Dalka

Warar hadda nagasoo gaadhay degmada Jowhar ee gobolka Sh. Dhexe ayaa sheegaya in dab ka kacay magaaladaasi.

Dabka ayaa ka ka bilowday Kaalin-Shidaal oo  ku taalay degmada Jowhar sida uu Idaacadda  Goobjoog u sheegay qof goobjooge ah.

Idaacadda Goobjoog ayaa la xiriirtay Gudoomiyaha degmada Jowhar Muxammad-Amin Maxmed Cusman Caqil, Caaqil ayaa xaqiijiyay in dab  khasaaro badan geysatay uu ka kacay magaaladaasi isagoo intaa ku daray in aanay jirin dhimasho iyo dhaawac balse hanti badan halkaas ku baaba’day.

Caaqil ayaa ka sheegtay in degmada aanay laheyn gawaarida Dab-damiska, iyagoo adeegsaday Cagaf-cagaf si ay goobta gubatay uga Daad-gureeyaan alaabtii taalay.

Gudoomiyaha Degmada Jowhar ayaa sidoo kale sheegay in hanti badan halkaas ku gubatay tasoo uu sabab uu uga dhigay gurmad la’aan jirta.